Saturday, 21 October 2017
Home / Somali News / AKHRISO: Al Shabaab oo Weerar Khasaaro kala duwan dhaliyay ku qaaday Gudaha Kenya.

AKHRISO: Al Shabaab oo Weerar Khasaaro kala duwan dhaliyay ku qaaday Gudaha Kenya.

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar xoogan waxa ay ku qaadeen saldhig ciidanka booliiska ku lahaayeen Deegaanka Lafey oo kuyaala duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Weerarkan ayaa la sheegay in Al Shabaab ku dileen ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab gubeen gaadiid iyo agab kale ay lahaayeen ciidanka booliiska halka ay horey usii wateen gaadiid kale oo saldhiga yaalay.

Saraakiil u hadashay booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in weerarka ay ka dambeeyeen dagaalyahano hubeesan oo lagu qiyaasay 50- dagaalyahan, waxa ayna booliisku sheegeen in booliiska is difaaceen ayna khasaaro gaarsiiyeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Maxamed Salax oo xiriiriyaha gobolka waqooyi bari Kenya oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in booliiska Khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray weerarkii xalay dhacay, waxa uuna tilmaamay in gaari iyo agab kale ay saldhiga ka qaateen Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku qaadeen saldhigyo iyo xarumo kale oo kuyaala dalka Kenya, waxaana weerarkan xalay uu imaanayaa xili la adkeeyay amaanka Kenya oo maalmo kadib ay ka dhacayaan Doorashooyin.

About cowke

Check Also

Daawo Muuqaal: Hees Cusub May May ah Dayax Dalnuurshe 2017